NISA oo muqdisho ku qabatay rag watay miinooyinka qarxa

Aug 06 (Jowhar.com)-Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka   ayaa ku qabtay magaalada Muqdisho afar ruux oo watay waxyaalaha qarxa kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Raggan  la qabtay ayaa la sheegay inay wateen miinooyinka loogu talogalay   in qaraxyo lagu fuliyo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay NISA.

“Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay tan iyo markii weerar toos ah iyo qarax la fashiliyay lagu qaaday xeebta Liido halkaas oo dad u badan dhalinyaro tiradoodu ka badan tahay 30 ay ku dhinteen tiro kabadana ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More