NISA oo Muqdisho ku xirtay gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax

Jan 04 ( Jowhar) Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax ayaa maanta lagu  xiray magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo warramayaa in amarka xarrigiisa uu bixiyay taliyaha NISA Sanbaloolshe.

Sida wararku tilmaamayaan, Mudane Afrax inta aan la xirin kahor waxaa laga hor-istaagay inuu u dhoofo magaalada Beledweyn oo askar NISA ah oo wata laba gaari ciidan ayaa ka kaxeystay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo safar u ahaa magaalada Beledweyn.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu sheegay in talaabadan ay baalmarsan tahay ilaalinta sharafka iyo xuquuqda muwaadinka, isagoo mas’uuliyada dusha ka saaray dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xarriga gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo maalmahan arrimo u gaar ah u joogay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xarriga mas’uulkan ayaa kusoo aadaya xili wali aan xal loo helin xiisadii ka dhalatay Lixdii askari ee lagu dilay degmada Ceelbaraf todobaadkii hore oo waan waan arrintaasi la xiriirta ay ka socoto magaalada Beledweyn.

Dadaalada xal u helida oo ay wadeen Odayaasha Mudulood ee ka tagay Muqdisho waxaa ku biiray taliyaha NISA Sanbaloolshe, balse taasi kama dhigin in xalka la abaaro.

Waxa ay u badan tahay in mid kamid ah madaxda sare ee dalka uu tagi doono Beledweyn si uu usii xoojiyo ka miro dhalinta waan waanta oo hadii fashilanto ay keeni karto in mar kale ciidamada reer Hiiraan ay soo faarujiyaan furimaha hore ee dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More