NISA oo sheegtay in duqeyn lagu burburiyay buundo ay isticmaalayaan Alshabaab

May 09 ( Jowhar)- Qoraal ka soo baxay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu burburiyay buundo macmal ahayd oo ay Alshabaab ka dhisteen wabiga Shabelle.
Warkan ayaa lagu sheegay in iyadoo la kaashanaya saaxiibada caalamka in la burburiyay buundo ay ka dhisteen deegaanka Oobaale oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu bur-buriyay gaadiid dagaal laguna dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad qorsheynayay in ay Buundada ka gudbaan si ay u gacansiiyaan maleeshiyaadkooda ka dagaalamaya gudaha gobolka Sh/dhexe.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More