NISA oo sheegtay in duqeyn lagu diley saraakiil Alshabaab ah

Mar 29-(Jowhar)-War ka soo baxay Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in hawlgal ay iska kaashadeen ciidamada nabadsugidda qaranka iyo ciidanka xoogga dalka lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Howlgalkan oo duqeyn ahayd ayaa waxaa laga fuliyay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, iyadoo la sheegay in lagu dilay 21-xubnood oo katirsanaa maleeshiyaadka Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay    in xubnaha duqeynta lagu dilay ay ku jiraan xubno saraakiil ahaa.

Warka kasoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in xubnahan katirsanaa Al Shabaab ee la dilay ay ku sugnaayeen hal goob. Waxa ayna NISA mar kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Al Shabaab.

Tan iyo markii ay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab gudaha u soo galeen deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka dhacay deegaano badan duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More