NISA oo sheegtay iney duqeyn ku dishay madaxii qaraxyada Shabaab ee Banaadir iyo Sh.hoose

Mar 11(Jowhar)Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo

Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xalay howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge Farxaan Cusman Xasan oo loo yaqaannay Jacfar Karuur, kaas oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ee Shabaab iyo Horjooge Axmed Gumaar oo isna ahaa Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalkan oo ay Hay’adda NISA fulisay kadib markii ay hubisay xogta Horjoogeyaashan ayaa sidoo kale, waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada Horjooge iyada oo la xaqiijiyay dhimashada dhammaan xubnihii Shabaab ee la duqeeyay.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More