Nuxurka heshiiska Xasan Sheekh iyo Abiye ee wadahadaladii Turkiga

Dec 13  ( Jowhar) War-murtiyeedka laga soo saaray Wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga garwadeen ka ahaa ayaa waxaa la isku raacay in labada dal ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay khilaafaadka (Taas oo macnaheedu yahay MOU)

1- In la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka labada dal sida ay qabaan xeerarka caalamiga ee Axdiga QM iyo Midowga Afrika (Taas oo meesha ka saareysa aqoonsiga Somaliland)

2- In Itoobiya loo oggolaado marin badda ah oo sharciyeysan, iyadoo la tixgelinayo wadajirka dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya

3- In si dhow looga shaqeeyo heshiisyada ganacsi ee dan u ah labada dal, iyadoo loo marayo heshiisyo labo geesood ah.

4- Wada hadalo farsamo ah oo bilaabanaya February 2025 oo mar kale Turkiga fududeynayo, laguna soo gabagabeynayo afar bil gudahood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More