Odayaashii ka tagay Muqdisho oo booqday furimaha dagaalka Laascaanood
Mar. 27 (Jowhar.com)-Odayaasha dhaqanka ee koofurta Soomaaliya ayaa waxa ay tageen gobolka Sool, gaar ahaan furimaha dagaalka oo ay isku hor-fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.
Ujeedka ka danbeyaay arrintan ayaa eheyd si ay indhahooda ugu soo arkaan masaafada labada dhinac isku jiraan, una arkaan xaqiiqada taala goobtan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Isimada dhaqanka oo ay wehliyaan Isimadda SSC ay tagayaan gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo booqan doona goobaha adeegyada dadweynaha ee waxyeelada u geysatay Somaliland, lana kulmaya waxgaradka magaalada oo ay warbixin ka dhageysan doonaan.
Inkastoo qorshaha uu ahaa in Odayaashan oo ka kala socda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle oo ka tagay Muqdisho ay u gudbaan dhanka Somaliland oo ay lasoo kulmaan madaxda maamulkaasi ayaa waxaa muuqaneysa in arrintaasi lagu guuldareystay.
Somaliland ayaa kasoo horjeeda dhexdhexaadintan, waxayna u aragtaa in ay dhaawac siyaasadeed iyo fashil amniba ku noqonayso haddii ay Isimaddan xal u helaan colaada Laascaanood, iyagoo sabab uga dhigaya in ay kasoo jeedaan Soomaaliya oo ay Hargeysa sheegtay in ay ka go’oday kal hore.