ONLF oo ku dhawaaqday iney hakisay wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya

Oct 21 (Jowhar)-Jabhadda ONLF ee ka dhisan dowlad deeganka Soomaalida ayaa soo saartay warsaxaafadeed culus oo ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Qoraalka ONLF waxay ku sheegtay inah hakisay ka qayb-galka Shirweynaha wada-xaajoodka qaran ee Itoobiya.

Arrintan ayey saldhig uga dhigeeninuu jabay heshiiskii xisbiyada siyaasadda Itoobiya.

ONLF waxa kale oo ay sheegtey in wada xaajoodkan heer qaran ee Itoobiya ay ka maqan yihiin siyaasiyiin muhiim ah oo ka socda degaannada Axmaarada, Oromada iyo Tigray, waxay ONLF sheegtay in wada xaajoodkan uu noqonayo mid hal dhinac ah oo aan loo dhanayn, sidaas darteedna aan keeni karin wax rajo ah, waa siday hadalka u dhigeen ONLF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More