Premier Bank oo adeeg cusub maanta daahfurtay
Premier Payment Gateway oo ka shidaal qaadanaya taageerada Mastercard Payment Gateway Services (MPGS) ayaa ganacsiyada Soomaaliyeed u fududeynaya in ay badeecadooda ku iibiyaan Internetka oo gaarsiiyaan macaamiil cusub oo dunida oo dhan ah.
Premier Bank ayaa maanta daahfurey adeegga Premier Payment Gateway oo ah ‘Waa’ cusub oo u beryey ganacsiga Internet ka ee online-ka ah, ahna hilinka uu ganacsaduhu ku kasban karo macmiil ka fog, kagana badbaadi karo in xuduudaha dalalku ay dabraan fiditaankiisa, isaga oo si isku mid ah ugu adeegaya macmiilka dhow iyo kan badaha ka tallowsan intaba.
Adeeggan waxa uu bangigu usoo kordhiyay si ganacsiyada dalka uu ugaga saaro mugdiga ka jira ganacsiga online-ka; una sahlo helidda macaamiil awal ka fogaa. Dhanka kale, waxa uu u fududeynayaa in uu ganacsiga dalkeenu gaaro meel ka fog xudduudiisa deegaan, isagoo sidoo kalena sare u qaadaya dakhliga dhaqaale ee dijitaalka ah.
Premier Payment Gateway ayaa ganacsatada macaamiishooda kuwa u dhow iyo kuwa ka fogba siinaya fursad ay agabkooda iyo adeeggooda ku helaan ganacsataduna ay dakhli ballaaran ka sameyn karaan ganacsigooda. Sidoo kale wuxuu macaamiisha u fududeynayaa in ay wax kaga iibsadaan mareegaha online-ka ah iyagoo adeegsanaya kaararka bangiyada dalka iyo dibedda sida Mastercard iyo Visa, iyagoo aan ku qasbanaan in ay cag soo dhigaan deegaanka ganacsiga.
Adeegga Premier Payment Gateway wuxuu sidoo kale fududeynayaa in ganacsatada markii ay online badeeco ama adeeg ku iibinayaan helaan lacago qalaad sida Euro, Dollar iyo Giniga Istarliinka ah; iyagoo aanan waqti badan uga dhumin isku sarifka iyo isku bedelka lacagahaas.
Sidaasna adeeggani wuxuu kaalin weyn ka ciyaarayaa in dalka usoo jiido lacag qalaad oo xoog leh.
Guddoomiyaha Premier Bank Dr. Maxamed Geedi Jumcaale ayaa xusay in addeegga lacag fududeynta Online-ka ah ay qayb ka tahay qorshaha iyo aragtida istiraatiijiyeed ee bangiga u degsan in lagaaro ilaa sanadda 2030, taas oo ah in la yagleelo saylad dhaqaale oo ay ku kulansanyihiin macaamiisha sita kaararka caalamiga ah iyo ganacsatada kala gedisan.
“Iyada oo hiigsigeenna ay qayb weyn ka tahay in aan hoggaanka uqabano suuqqa horumarka dhaqaalaha, teknolojiyadda iyo hal-abuurka ayuu Premier Bank la kaashaday Mastercard si uu u daah furo hannaan lacag is dhaafsi oo isticmaalkiisu fududyahay, aamin ah, degdegsiimadiisuna aad u sarrayso. Adeeg ku suntan in uu awood siiyo ganacsiyada maxalliga ah una soo jiido macamiil ka fog deegaankooda, lehna baahiyo kala gedisan” ayuu hadalkiisaraacshay Guddoomiye Dr. Maxamed Geedi Jumcaale.
Iskaashigaan ayaa imaanaya waqti baahida loo qabo ganacsiga online-ka ay cirka iskusii shareerayso; iyadoo fursado hor leh u abuureysa in la yagleelo bulsho kaash la’aan ah (cashless society). Halka ganacsiga online-ka uu koboc sare sameeyay illaa xanuunkii safmarka ahaa ee Covid-19 maadaama macaamiishu guri joog u badnaayeen.
Qadarka lacagaha la isku dhaafsaday ganacsiga online-ka sanadkii 2020 ayaa kor udhaafay $4.29 trillion oo dollar — ahna kobac dhan 24.1% ($3.46 trillion dollar) marka lala barbardhigo sanadkii kasii horeeyay.
Maaha markii ugu horreysay ee Premier Bank uu horyaal u noqdo hal-abuurka maaliyadeed eedalka, waxa aannu weli u heellanahay sidii aan macmiishiisa ugaga farxin lahayn adeegyo kobiciya ganacsigooda, kana caawinaya in ay faa’ido fiican sameeyaan. Sidaas awgeed ganacsade walba oo danaynaya in uu ka mid noqdo dadka ugu horreeya ee fursadahan ka faa’idaysta, waxaan kusoo dhawaynaynaa adeegga Premier Payment Gateway.