Premier Bank oo si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM lacag dhigasho

Aug 23(Jowhar)-Premier Bank ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit), iyadoo Adeeggan cusub uu u suurto gelinayo macaamiisha inay si xorriyad ah oo fudud hadana ammaan ah ay ugu shuban karaan lacagahooda koonta- dooda bangiga waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yada Bankiga ay u shaqeynayaan si joogto ah.

Faa’iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan waxaa kamid ah;

Helitaan Joogto ah: ATM-yadana u udiyaarsan in la heli karo waqti kasta; adigoo lacagtaada ku shuban kara koontadaada marka aad u baahato, iyadoon xilliga loo eegin.

Hufnaan, Ammaan iyo Degdegsiimo:

Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada.

Madaxa Howlaha & ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank Mahad Axmed Maxamed ayaa oo ka hadlayay muhiimadda addeegyadan ayaa hoosta ka xariiqay in arrimahan ay cadeyn u yihiin sida Bankiga uu xoogga u saarayo casriyebta addeegyada ay bixiyaan.

“Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muuji- naysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada ban- giga, si aan macaamiisheena u siinno adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada ee maaliyadeed.” ayuu yiri.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More