Puntland oo 4 sano oo xabsi ah ku riday askari suuq dhexdiis ku uleeyay Wiil Yemeni ah

Mar 12(Jowhar)Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa shegaya in xukun lagu riday askari ka tirsan ciidanka Puntland oo todobaadkan lasoo bandhigay muuqaal isagoo jirdilaya wiil yar oo Yemeni ah.Cabdifitaax Cabdinuur oo ahaa askari, dhawaana wiil Yemeni ah ku uleeyey Suuqa Garoowe, ayaa maxkamad ku xukuntay 4 sano oo xarig ah & sannad uusan xarumaha dadweynaha waxba shaqo ka qaban karin.

Maamulka degmada Garoowe iyo dadka Puntland ayaa si xoogan uga horyimi habdhaqankii Askarigan uu sameeyey, waxaana la mariyey Hay’addaha sharciga, iyadoo wiilka Ajnabiga ahna la maamusay, si looga raali galiyo falkii ka dhanka ahaa xaquuqda aadanaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More