Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay 10 xubnood oo ka tirsan kooxaha argagixisada
Aug 17 (Jowhar)-Maamulka Puntland ayaa saaka dil toogasho ah, ku fuliyay 10 xubnood oo ay Maxkamaduhu kuheleen in ay geysteen dilal qorsheysan oo loo geystay haldoorka bulshada Puntland, kana dhacay magaalada Gaalkacyo.
Xubnahan la toogtay ayaa ka tirsanaa kooxaha Argagixiso, waxaana dilkooda uu yimid ka dib markii uu saxiixay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Puntland ayaa baadigoobaysa, 3 xubnood oo katirsanaa kooxda maanta la toogtay oo dhawaan xabsiga Gaalkacyoka baxsaday, iyadoo Abaalmarin loo balan qaaday cidii xogtooda keenya.
Magaalada Gaalkacyo oo ay Waqooyigeeda degto Puntland ayaa kamid ah deegaanada ugu amniga daran maamulka Puntland, waxaana ku badan dilalka ay geystaan kooxaha argagixisada ah.