Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaanib kale oo la shaqeynaysay sarkaal dhawaan la toogtay
Jan 26 (Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo saaka ciidamadda Puntland ay ka sameeyeen xaafadda uu magaalada Boosaa ka daganaa nin ajnabi ah oo dhawaa la toogtay isagoo qarax diyaarinayay.
Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Laamaha Ammaanka gobolka Bari ayaa sheegey in ay qabteen 8 xubnood [Lix ajinabi tahay] kuwaa oo ku eedaysan in ay la shaqaynayaan ninkii carabka ahaa ee isku qarxiyey bartamaha magalaada habeen hore.
Xubnahan ayey laamaha amniga la aadeen xeryohooda baaritaanada, halkaasoo ay ka socoto su’aala weydiintooda.
Si kastaba, mudooyinkii lasoo dhaafat howlgalo culus oo ka dhan ah Ajaanibta Daacish ee ku sugan gobolka Bari ayaa ka socday magaalada Boosaaso, iyadoo howlgalada ay barbar socdaan dagaalo u dhexeeya Daacish iyo ciidanka Puntland.