Puntland oo gacanta ku dhigtay Nin Ajnabi ah isagoo dhaawacan
Jan 25 (Jowhar)-Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa lagalay gurigii uu daganaa Argagixiyihii Ajnabiga ahaa ee Saqdii dhexe ee xalay latoogtay, isagoo qarax dhigaya.
Ciidanka ayaa qabtay mid kamid ah Argagixisadii xalay lasocday kan latoogtay, kan oo Isna dhaawac ah ayay shacabku xogtiisa la wadaageen ciidanka, dhammaan ajaaniibta Shisheeye ayaa amaro lagu soo rogay baaritaano ayaana loo diray.
Gurigii uu dhagarqabahan daganaa ayaa laga helay Qaraxyadii ugu badnaa oo ladoonayay in shacab lagu xasuuqo, Agabyadii uu ganacsadaha iskaga dhigi jiray & dhammaan macluumaadyo muhiim ah.
Ciidanka Puntland ayaa wada howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyadoo deegaano dhowr ah Daacish laga saaray, kuwaasoo ay ka qaadi jireen weeraro.