Puntland oo ka hor-timid go’aamada shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Oct 31  (Jowhar)-Wa saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga soo horjeestay go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka ee shalay ka soo saareen  Muqdisho, iyadoo ku tilmaantay mid khatar ku ah xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa taageeray go’aanka Jubbaland oo diidan muddo kordhin hor leh oo sharci darro ah, si waafaqsan dastuurka Jubbaland.

Puntland waxay sidoo kale soo dhaweysay baaqyada siyaasiyiinta kale oo ay isku mowqif yihiin, taasoo muujinaysa in Puntland raadinayso isbaheysi siyaasadeed oo ay ku hor istaagto go’aannada Villa Somalia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More