Puntland oo qabsatay deegaano ka tirsan Togga Jaceel oo saldhig weyn u ah Daacish

Feb 05(Jowhar)Ciidanka Puntland ayaa soo bandhigay sawirrada goobihii ay kooxda IS kaga sugnayd deegaano katirsan togga Jaceel iyo hub ay ciidanku gacanta kaga dhigeen.

Tani ayaa ka dhigan in Kooxda Argagixiso ee Daacish laga qabsaday dhammaan aagagii dagaalka ee shalay iyo maanta, meydadkooda ayaa lasoo bandhigay in ka badan 30 Argagixiso, Hubkii ay adeegsanaayeen iyo goobtii ay joogeen.

Togga Jeceel ayaa gacanta Argagixisada qeyb ahaan laga saaray, 9 sano ayay aagan dhisayeen si ay difaacyo uga sameystaan, balse maanta waa lagu jabshay, gaadiidka dagaalka ayaana gaaray agagaarka dagaalka oo ay adag tahay in baabuur gasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More