Puntland oo sheegtay in 20 Daacish ah ay Ajaanib kujiraan ku dishay gobolka Bari

Jan 13 (Jowhar)Puntland ayaa sheegay in dagaal culus dhexmaray ciidameeda Difaaca iyo ururka IS ay ku dileen in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib caddaan ah, rag & dumar leh.

Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari.

Afhayeenka ciidamada Puntland, Gen.Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in  dagaalka lagu diley labaataneeyo ka tirsan IS oo ay ku jiraan ajaaniib, afar ka mid ah ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xaqiijiyey in dhankooda ay ka dhinteen; laba askari, saddex kalena ay ka dhaawacmeen, kadib markii gaadhigooda qarax lala eegtay.

Waxa uu intaas ku daray in IS ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay ku soo xidheen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo IS ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay dagaalka buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More