Puntland oo toogatay nin Ajanabi ah oo Miino aasayay

Jan 25 (Jowhar)-Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay sawirka nin Ajnabi ah kaasoo ay toogteen laamaha amniga ee ku sugan furimaha hore ee gobolka Bari.

Saraakiil u hadashay ciidamadda ayaa sheegay in ninkan la dul tagay isagoo aasaya Miino uu doonayay inuu ku dhibaateeyo shacabka iyo askarta howlgalada Argagixisada ka dhanka ah wado.

Ninkan oo Bistoolad ku hubeysnaa ayaa isku dayay inuu dagaalamo, waxaana rasaas ooda kaga qaaday ciidanka, taasoo keentay inuu geeriyoodo.

Falkan waxa uu si gaar ah uga dhacay waddada weyn aga-gaarka Nakhiil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More