Putin ayaa sheegay in Ruushka uu u turi doono ciidamada Ukraine ee is dhiiba
Mar 15 (Jowhar)-Ruushka ayaa caafin doona askarta Ukraine ee jooga galbeedka Kursk haddii Kyiv ku amro inay is dhiibaan.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku booriyay inuu ka fogaado “xasuuq xun” oo halkaas ka dhacay.
Ukraine ayaa beenisay in ciidamadeeda Kursk ay hareereeyeen, iyadoo ku tilmaantay sheegashada inay tahay been abuur Ruush ah faafinaayo.
Laakiin .madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa Jimcihii ku tilmaamay xaaladda ciidamada Ukraine mid “aad u adag” oo ah Aloow sahal amooraha.
Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray in uu ka codsaday madaxweynaha Ruushka in uu badbaadiyo nolosha kumannaan qof oo reer Ukraine ah oo uu sheegay in ay “gebi ahaanba ku hareeraysan yihiin” oo ay nugul yihiin.
“Waxaan si adag uga codsaday madaxweyne Putin in noloshooda la badbaadiyo. Tani waxay noqon doontaa xasuuq aad u xun, oo aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka,” ayuu yidhi.
Putin, oo la hadlayay Golihiisa Ammaanka, ayaa sheegay inuu akhriyay rafcaanka Trump, uuna fahmay baaqa Trump ee ahaa in tixgalinta bini’aadantinimo lagu tixgaliyo.
“Arrintan, waxaan jeclaan lahaa inaan carrabka ku adkeeyo in haddii [ciidamada Ukraine] ay hubka dhigaan oo ay isa soo dhiibaan, ay heli doonaan dammaanad nololeed iyo daaweyn hufan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo sharciyada Federaalka Ruushka,” ayuu yiri Putin.