Putin oo ku tilmaamay Madaxii Wagner inuu ahaa nin Karti leh

Aug 24 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlay shilkii diyaaradeed ee loo maleynayo inuu ku dhintay Yevgeny Prigozhin, ayaa ku tilmaamay aasaasaha Wagner Nin xaalad adag ku jirey balse karti leh.

Putin ayaa sheegay in muddo dheer ay is yaqaaneen Prigozhin uunaa ahaa nin ganacsade ah balse qaladaad badan galay.
“Waan garanayay Prigozhin muddo aad u dheer, tan iyo horraantii 90-meeyadii,Wuxuu ahaa nin ay adag tahay in la noolaado, wuxuuna galay khaladaad halis ah oo nolosha ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Waxa uu ahaa nin karti leh, ganacsade karti leh, ma ahan oo kaliya in uu ka shaqeeyo dalkeena, laakiin sidoo kale dibadda, Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha Ruushka.

Putin waxa uu sheegay in madaxa Wagner, inta uu og yahay, uu dhawaan ka soo laabtay Afrika ka hor shilka Arbacadii. Kooxda Wagner waxay qaarada ku lahayd hawlqabadyo kala duwan.

Putin ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo qoysaska dhammaan dadkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed.
Dagaalyahanada Wagner ayaa wax weyn ka taray dadaalka dagaalka ee Ukraine, ayuu yiri Putin. Waxa uu sidoo kale sheegay in guddiga baaritaanka ee Ruushka ay baarayaan shilkan.

“Aynu aragno waxa baarayaashu ay dhahaan mustaqbalka dhow. Oo hadda baaritaanno – baaritaanno farsamo iyo kuwa hidde-sidaha – ayaa la qaadayaa. Tani waxay qaadan doontaa wakhti,” ayuu Putin ku daray.

Kooxda Calooshood u Shaqeystayaasha ee Wagner waa tiir muhiim ah oo ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka, iyadoo ciidamadeedu ay gacan ka geysanayaan dalalka Suuriya, Mali, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Liibiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More