Putin oo raaligelin ka bixiyay diyaaradii lagu soo ridey Grozny

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v80), default quality

Dec 28  ( Jowhar)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin ka bixiyay xaqiiqda ah in diyaaradda Azerbaijan Airlines ay burburtay ka dib markii ay soo gashay hawada Ruushka ee Grozny, Chechnya, Arbacadii, laakiin ma uusan sheegin in Ruushka uu mas’uul ka ahaa soo dhicista diyaarada.

Putin ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ee Ruushka ay ahaayeen kuwo howlgalayay markii diyaaraddu ay isku dayday in ay ku degto Grozny, sida uu sheegay Kremlin-ka.
Markii ay awoodi wayday in ay gaarto garoonka diyaaradaasi, waxa ay u weecday dhinaca bari, iyada oo ugu danbayntii ku burburtay meel u dhaw magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan, halkaas oo ay ku dhinteen 38 qof oo saarnaa.

Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa dad u kala dhashay dalalka Azerbaijan, Russia, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan. Dadka badbaaday waxaa ku jiray labo caruur ah.

Lama xaqiijin karo waxa ka dambeeyay dhacdadan, balse sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay CNN Khamiistii in calaamadihii hore ay muujinayaan in nidaamka lidka diyaaradaha ee Ruushka laga yaabo inuu soo riday diyaaradii rakaabka.

Warka ka soo baxay Putin ayaan si toos ah u sheegin in difaaca hawada Ruushka ay duqeeyeen diyaaradda.

“Putin wuxuu raaligelin ka bixiyay xaqiiqda ah in dhacdadan naxdinta leh ay ka dhacday hawada Ruushka mar uu taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev.”ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Aqalka Kremlinka ee dowlada Ruushka.

“Diyaaradda si isdaba joog ah ay isku dayday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Grozny laakiin waqtigaa waxaa aagagga Grozny, Mozdok iyo Vladikavkaz weerarayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, iyadoo nidaamka difaaca hawada Ruushka uu iska caabinayay weerarradaas.”ayaa lagu sheegay b ayaanka Kremlinka ka soo baxay.

Guddiga baarista ee Ruushka ayaa furay kiis dambi ah oo la xiriira musiibada, ayaa lagu yiri bayaanka.

Putin ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay shilkaas isagoo taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev, Sabtidii, Kremlin ayaa sidaas sheegtay.

Ugu yaraan shan shirkadood ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen goobo ka tirsan Ruushka tan iyo markii ay masiibadu dhacday, sida Azerbaijan Airlines, Turkmenistan Airlines, El Al Israel, Flydubai iyo Qazaq Air.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More