Putin wuxuu u ololeeyaa ee Multipolar’ ee cusub ee Shir Madaxeedka BRICS

Oct 24 (Jowhar)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u dabaaldegay aasaaska nidaamka cusub ee “multipolar world order” inta lagu guda jiro shirmadaxeedka BRICS, isaga oo ujeedadiisu ahayd in uu muujiyo in dadaalka reer galbeedka ee go’doominta Ruushka sababtuna tahay duulaanka Ukraine ay ku guuldareysteen.

Isu imaatinka Kazan ayaa noqonaya dhacdadii ugu weyneyd ee diblumaasiyadeed ee ka dhacda Ruushka tan iyo markii Mr. Putin uu ciidamo u diray dalka Ukraine sanadkii 2022, taasoo keentay cunaqabateyn ballaaran oo reer galbeedka ah iyo dib u dhac caalami ah.

Ruushku waxa uu madalkan u arkaa mid beddelka u ah ururrada caalamiga ah ee reer galbeedka sida G7, dareenkaas oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Wuxuu ku booriyay xubnaha inay ka fikiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha ugu degdegga badan ee ajandayaasha caalamiga ah, gaar ahaan “isku dhacyada gobolka ee ba’an.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa gaaray dalka Ruushka si uu uga qeyb galo shir madaxeedkan, waxaana safarkan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku tago dalkaasi muddo labo sano ah.

Booqashadiisa ayaa dhaleecayn kala kulmay Ukraine. Mr. Putin ayaa ku nuux-nuux saday in Ruushka uu iskaashi dhow la leeyahay intii uu socday wadahadal uu shalay la yeeshay madax ay ka mid yihiin Madaxweyne Xi iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Madaxweyne Xi waxa uu bogaadiyay xidhiidhka qotada dheer ee Shiinaha uu la leeyahay Ruushka waxa uu ku tilmaamay duni “qas ah”.

Sida laga soo xigtay madaxweyne Xi, xiriirka ka dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha ayaa si weyn u kiciyay horumarka iyo casriyeynta labada waddan.

Mr. Putin waxa uu tilmaamay in uu u arko xidhiidhka ka dhexeeya Moscow iyo Beijing in uu yahay tiirkii “xasiloonida” caalamka.

Ruushka waxaa ka go’an inuusan u ogolaanin khilaafka Ukraine inuu hadheeyo shirka.

Hogaamiyayaasha ayaa ku kulmaya shirka BRICS ee Kazan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More