Qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland oo cafis loo fidiyay
Feb. 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa cafis gaar ah u fidiyay maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiis tiradoodu gaareyso 57 maxbuus cafis loo fidiyay kadib markii ay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan.
Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa sheegin dambiyada ay galeen maxaabiistan iyo weliba faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta xabsiyada ku kala xiran yihiin.
Halkan hoose ka akhriso Wareegtada lagu cafiyay maxaabiistan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.