Qaar kamid ah dadka ku nool xaafadaha Beledweyn oo sameystay ciidamo gaar ah

Aug 14 (Jowhar.com)-Dadka ku nool qaar kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyn ayaa sameystay ciidamo Madani ah oo habeen kasta roondo ka sameeyay xaafadaha, si ay uga hortagaan burcadda falalka dhaca iyo dilka ah ka geysta xaafadahaasi.

Howshan waxey haatan ku bilaabatay Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako oo dhalinyaradooda ay ka shaqeeyaan sugisa amniga iyo baacsashada tuugada dadka tilifoonada ka dhacda.

Amniga magaalada Beledweyn ayaa mudooyinkii lasoo shaafay faraha kasii baxayay, taasoo keentay iney dadku is-xilqaamaan oo ay koox koox amnigooda u ilaashadaan.

Daahir Cismaan oo kamid ah dhalinyarada hormuudka u ah howshan ayaa tilmaanay in xaafadooda Kooshon ay shaqadan ka wadaan mudo 20 cisho ah, ayna dareemeen isbedel ay ku diirsadeen dadka shacabka ah.

Anaga Askar dowladeed ma nihin, dad shacab ah oo qoryo qaatay ayaa nahay. Qofkii la aqoon ee Xaafada soo galo waan Hubinaa. Dhowr Habeen ayaan Tuugo xaafada ku aragnay waana ka saarnay Alxamdullaahi. Tuugada labo qof ama 1 qof waaye lakiin Anaga 10 qof ayaa nahay ugu yaraan” ayuu yiri Daahir Cismaa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More