Qaar kamid ah Xildhibaanada Jubaland ku metela baarlamaanka oo u duulay magaalada Kismaayo
Nov 04 (Jowhar)-Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa saaka ka duushay laba diyaaradood oo ay saaran yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kusii jeeda magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada ayaa ka jawaabaya warqad xalay uu soo saaray Axmed Madoobe, taasoo uu shir wadatashi ah Kismaayo isugu yeeray labada aqal, si looga wada hadlay xiisada cusub.
Kulanka ayaa looga arinsanyaa mowqifka Jubaland ee khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe oo haatan meeshii ugu sareysay gaaray.
Qaar kamid ah xubnaha labada aqal ee Jubaland kasoo gala ayaa iska xalay aqbalay codsiga Axmed Madoobe, iyagoo wacad ku maray iney tagayaan Kismaayo.
Arrimahan ayaa daba socday iscasilaadii shalay ee laba kamid ah Wasiirada xukuumada Xamze kuwaasoo shaqada isaga tagay khilaafka cusub darteed.
Lama oga talaabada xigta balse xaalada ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana fashilmay dadaalo ay wadeen Xamze iyo Wasiir Fartaag oo ay ku doonayeen iney ku celiyaan xildhibaanada u safraya magaalada Kismaayo.