Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.1 Milyan oo ku cusub dalka Suuriya ay ku barakaceen

Dec 13 (Jowhar)-Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada, in ka badan hal milyan oo qof, oo ay ugu horreeyaan haween iyo carruur, ayaa ku barakacay Suuriya tan iyo markii fallaagada ay bilaabeen duullaanka ay xilka kaga tuurayaan madaxweyne Bashar al-Assad.

“Laga bilaabo 12-kii Disembar, 1.1 milyan oo qof ayaa ku barokacay dalka oo dhan tan iyo markii ay colaaduhu sii xumaadeen 27-kii November. Inta badan waa haween iyo carruur,” ayay tiri Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA).

Xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Suuriya ayaa ballan qaaday inay dejinayso “sharciga” ka dib sannado badan oo xadgudubyo ah oo uu ku kacayay madaxweynaha xilka laga tuuray ee Bashaar Al-asad, halka Maraykanku uu ka digay tallaabooyin horseedi kara colaad hor leh.

Mr. Assad ayaa ka qaxay dalka Suuriya ka dib markii ay si degdeg ah ku qaadeen duulaanka ay hogaaminayaan kooxda islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) iyo xulafadeeda, iyagoo soo afjaray xukunkii cabudhinta ahaa ee socday muddo 50 sano ah.

Shalay, afhayeen u hadlay xukuumadda cusub ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dastuurka iyo baarlamaanka dalka la laali doono muddada saddexda bilood ah ee kala guurka ah.

Nin u dhashay dalka Suuriya ayaa calanka Suuriya ee xilliga xorriyadda ku lulay fagaaraha Umayyad ee magaalada Dimishiq.

“Guddiga garsoorka iyo xuquuqul insaanka ayaa la dhisi doonaa si ay dib u eegis ugu sameeyaan dastuurka una soo jeediyaan wax ka bedelka,” ayuu yiri Obaida Arnaout. Isagoo ka hadlayay xarunta telefishinka dowladda ee hadda ay gacanta ku hayaan maamulka cusub ee fallaagada, Mr. Arnaout wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay ilaalin doonaan “sharciga”.

“Dhammaan shaqsiyaadkii dambiyada ka galay shacabka Suuriya waxaa lagula xisaabtami doonaa sharciga,” ayuu yiri.

Marka la eego xorriyadda shakhsi ahaaneed iyo tan diimeed, Mr. Arnaout wuxuu xaqiijiyay, “waxaan ixtiraameynaa kala duwanaanshaha diimeed iyo dhaqameed ee Suuriya.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More