Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareysay weerarka xeebta Liido
Aug 03 ( Jowhar.com)-Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Qarammada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.
“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti ku qaataan qoyska iyo asxaabta, kuna raaxaystaan bilicda xeebaha Soomaaliya. Bartilmaameedka goobtan waa fal laga naxo oo keenaya in si adag loo cambaareeyo,” ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Annaga oo ka mid ah dhammaan dadka nabadda jecel ee Soomaaliyeed ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,” ayuu raaciyay.
Sida ay sheegayaan wararka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ahaa mid ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo dhex maray argagixisada iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.