Qarax xooggan oo ka dhacay Beledweyn iyo rasaas la maqlayo

Mar 11(Jowhar)-Qarax xooggan ayaa Goordhow ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyn, kaasoo jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay guri ay Daganaayeen qaar kamid ah Odoyaasha Xaafadaas iyo saraakiil ciidan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas aad u xooggan.

Faah faahin dheeri ah wali lagama helin weerarkan, waxaase jira warar sheegaya inuu jiro khasaare culus oo ka dhashay qaraxa oo uu fuliyay ruux is-miidaamiye ah.

Si kastab, Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Waxii Warar ah halkan kala Soco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More