Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Sep 28 (Jowhar)-Warar goordhow nasoo gaaray jowhar.com ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa oo ahaa gaari ayaa la dhigay afaafka hore ee maqaayada caanka ah ee Geel-doox oo ku taala dhabarka danbe ee guriga Hooyooyinka, iyadoo jugta qaraxa iyo uurada uu sameeyay laga arke meelo badan oo magaalada ah.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaanaya in khasaare culus uu qaraxa ka dhashay, iyadoo la arkayay meydad iyo dhaawcayo la qaadayo iyo Mootooyin laamiga horyaala oo qaraxa saameeyay.

Xiliga qaraxa ayaa kusoo aaday waqti ay maqaayada mashquul badan eheyd oo dadka intooda badan ay qado u fadhiyeen.

Waa weerarkii labaad ee magaalada ka dhaca wax ka yar 12 saacadood gudeheed, weerarkan kii ka horeeyay waxaa xalay lagu beegsaday fariisin ciidan oo ku yaala Dharkiinleey.

Arrimahan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili la bedelay taliyihii booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin, halka taliyaha cusub Jeneraal Asad Diyaano uu isagana xilka si rasmi ah ula wareegin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More