Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo rasaas la maqlayo
Jan. 22 (Jowhar.com)-Qarax aad u xooggan oo laga maqlay degmooyin badan oo kamid ah gobolka Banaadir ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Ismiidaamin ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne, si gaar ah nawaaaxiga xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa, iyadoo aan la ogaan xadiga khasaaraha uu dhan yahay.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah meel si aad ah u saxmad badan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas culus, walow aan faah faahin dheeri ah laga helin.
Wixii soo kordha la soco: