Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Mar 18 (Jowhar)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay aagga Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qaraxa uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegaaday, wali lana ogaan xadiga khasaaraha ka dhashay.

Dhawaqa Gawaarida Ambalaasta ayaa la maqlayaa, iyagoo kusii socda goobta qaraxa, si ay Isbitaalada Muqdisho u geeyaan dhaawacyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More