Qarax Xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo ciidamadda amaanka oo qabtay ragii watay
Sep 02 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Deyniile.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah caasimadda uu ahaa gaari qudaar siday oo ka yimid dhinaca AFgooye, si gaar ah qaraxa waxa uu uga dhacay halka loo yaqaano Warlaliska oo kudhow aagga Ex-Control Afgooye.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadda amaanka ay gacanta kudhigeen laba nin oo wadatay gaariga oo kasoo dhuuntay kontrolka gaadiidka ka timaada dhinaca AFgooye lagu baaro, qaraxa waxa uu dhacay xili ay socotay su’aalo weydiinta labadan ruux.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo goobta ay xirteen ciidamadda amaanka oo ka wada howlgalo baaritaano ah.