Qaraxyo culus oo gilgilay caasimadda dalka Brazil

Nov 14  (Jowhar)-Garsoorayaasha iyo howlwadeennada Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa Arbacadi shalay si deg deg ah halkaasi looga daad-gureeyay kaddib marki ay laba qarax oo waaweyn ka dhaceen meel u dhaw maxkamadda, sidaasi waxaa xaqiijiyay booliska Brazil.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay barxadda weyn ee u dhaxeysa aqalka Koongareeska iyo dhismaha Madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Brasilia. Boolisku waxay sheegeen in hal qof uu ku dhintay qarraxaas.

Qaraxyadan ayaa imanaya shan maalin ka hor inta uusan magaalada Rio de Janeiro ka furmin shirweynaha dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee loo soo gaabiyo G20.

Bayaan kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob lagu nasto oo u dhaw maxkamadda shalay gelinki danbe. Garsoorayaasha ayaa si nabad ah halkaasi looga daad gureeyay.

Booliska waxay sheegeen ninka ku dhintay goobta uu qarraxu ka dhacay ayaa waxaa ku xirnaa alaadaha qarxa, waxana meydkiisa loo baaray si taxaddar leh

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More