Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka socota magaalada Baardheere
Jun. 21 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka gedo ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay ka dhaceen magaalada, waxaana la amqlayaa rasaas xooggan.
Wararka hiordhaca ah ee la helaya ayaa tilmaamaya in ilaa saddex qarax oo xooggan la maqlay, qaraxyadan ayaa isugu jiro kuwa gawaari loo adeegsaday iyo kuwa rag jaakado qaraxyo wata ay fuliyeen, sida ilo xog-ogaal ah ay tilmaamayaan.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rasaas culus la maqlayo, taasoo u muuqata in rag hubeysan oo Shabaab ah ay galeen xero ciidan oo lagu magacaabo xarada ADC ee degmada Baardheere.
Wixii soo kordha halkan kala soco