Qaraxyo lagu weeraray suuqa weyn ee deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim
Aug 31(Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xooggan oo qabsaday Suuqa weyn ee Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim Degmada Garasbaaleey ee Gobolkaan Banaadir.
Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in Gubashada Suuqaan uu dhaliyay kaddib markii aroortii hire ee Saakay lagu weeraray laba qarax oo markii dambe sababay in dab uu qabsado Suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.
Arrintan waxey timid kadib markii maalmahan Suuqa lagu xiray kaamirooyinka Amniga saacida taasina ay keentay gubashada iyo qaraxa lagu weeraray Suuqaan.
Waxaa wali lagu howlanyahay daminta suuqaan inkastoo dabka qabsaday uu yahay mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan.
Todobaad ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa loo gubay, qaraxyana lagu weeraray Suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha.