Qatar oo ku dhawaaqday iney joojisay wadahadaladii ay ka dhex waday Israel iyo Xamaas

Nov 10  (Jowhar)-Dowladda Qatar ayaa Sabtidi shalay ku dhawaaqday in ay hakisay dowrki ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza isla markaana loo guryo naqo la heystayaasha Isra’il ee ku sugan Gaza.

Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza.

Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Isra’il.

Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza.

Go’aankan ayaa durba guux badan ka dhaliyay gudaha Isra’il. Sabtidi shalay, kumannaan qof oo Isra’aa’iiliyiin ah ayaa ku mudahaaraaday magaalada Tel Aviv, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda la heystayaasha wali ku harsan gacmaha kooxaha Falastiiniyiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More