Qoor qoor iyo Deni oo ka qeyb galay shirweynaha sare u qaadida nabadaynta Mudug
Sep 15 (Jowhar) Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa si wadajir ah magaalada Gaalkacyo ugu qeyb galay shirweynaha sare u qaadida nabadaynta Gobolka Mudug.
Shirkan oo muhiim u ahaa nabadaynta gobolka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culimada, dhallinyarada, iyo haweenka.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa si gaar ah loogu boggaadiyay hogaamintiisa iyo doorka firfircoon ee uu ku lahaa dadaalada lagu xasilinayo Gobolka Mudug, sidoo kalena mudnaan gaar ah siiyay in la xalliyo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya beelaha wada dega Gobolka Mudug, magaalada Gaalkacyana ay noqotay magaalo nabdoon sanadihii la soo dhaafay is bedel amni oo weyn ku tallaabsatay, taasoo u sabab aheyd xasilloonida maamul ee Galmudug iyo wada shaqeynta dhow ee u dhaxeysay labada maamul Galmudug iyo Puntland.
Waxaa kale oo shirka lagu gaaray heshiisyo nabadeed oo waaweyn, kuwaas oo lagu adkeeyay joojinta colaadaha iyo dib u bilaabidda wadahadalladii nabadaynta, in la xoojiyo iskaashiga amniga ee ka dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.