Rag ka tirsan Laamaha Amniga Dowlada oo lagu eedeeyay inay Jaasuus u ahaayeen Alshabaab
Aug. 04 (Jowhar.com)-Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigeen 10 basaasiin u ahaa Alshabaab,kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.
Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac inay sidoo kale baxsadeen qaar ka mid ah rag lagu eedeeyay inay u basaasayeen Alshabaab.
“Waa inaan lala xiriirin oo aan lala tacaamulin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, balse baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.”ayuu yiri Wasiir Daa’uud.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa intaas ku daray in la bilaabay gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee khawaarijta ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobaha ay ku harsan yihiin,lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka.