Ra’iisul Wasaaraha bangladesh Shikh Hasina oo is casishay kana carartay dalkeeda
Aug 05 (Jowhar.com)-Ra’iisal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ayaa is casishay oo dalkeeda ka baxsatay, ka dib mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen oo todobaadyo socday.
Hasina, oo dalkaasi madax ka ahayd muddo labaatan sano, ayaa raacday diyaarad helikobter ah oo militari ah, ka dib markii dad badan ay iska dhega tireen bandow qaran oo lagu soo rogay waxaana qasriga madaxtooyada galay qaar ka mid ah dadka mudaaharaadayay.
Is casilaada ayaa timid ka dib markii 300 oo qof ay dhinteen iyada oo toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo laguna dalbanayay inay is casisho Sheekh Xasiina.
Waddooyinka magaalada Dakar ayaa isu bedelay banaanbaxyo dabbaaldeg ah ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan bixitaanka Hasina.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa ku dhawaaqay in la dhisay dowlad ku meel gaar ah, waxaana uu ku booriyay dibadbaxayaasha inay joojiyaan rabshadaha.
Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu ka dhabeyn doono dalabaadka dibadbaxayaasha, isla markaana uu cadaaladda horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dadkii la dilay.
Sawirro laga soo qaaday telefishinka qaranka ayaa muujinayay kumannaan qof oo gudaha u galay guriga rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha. Waxa ay sidoo kale muujisay dad badan oo mudaaharaadayaal ah oo isugu soo baxay dariiqa iyaga oo ku jira muuqaallo farxadeed iyadoo warka bixitaanka Hasina uu bilaabay inuu faafo.