Ra’iisul Wasaaraha Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha cusub garsorka dalka

Jan 18 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Ra’iisul WasaarahaXamsa, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Xamsa.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha Garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Racfaanka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hey’addaha caddaaladda dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More