Ra’iisul wasaare hore Rooble oo fariin culus soo diray

Oct 07 (Jowhar)Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay Munaasabad lagu saxiixayay dhismaha Dekeda Hobyo ayaa  fariin culus u diray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleestada.

Mr. Rooblewaxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in aan danta gaarka laga hormarin danta Guud.

“Waddadii shalay yaan dib loogu noqonin oo isha lagu soo beelay, qofkii ku noqdana labada  indhood ayuu beelayaa” ayuu yiri.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadaya xili saaka uu magaalada Kismaayo u dhoofay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed zmadoobe oo isaga tagay shirkii golaha wadatashiga qaran oo aan wali lasoo xirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More