Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u dhiska Seyladda iyo Shaybaarka Xoolaha Baydhabo
Mar 06(Jowhar)madda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Magaalada Baydhabo ka dhagax-dhigay dib-u dhiska Seyladda Xoolaha iyo xarunta shaybaarka Xoolaha.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah suuqyada ganacsiga Magaalada Baydhabo, ayaa tilmaamay in caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed ay samaynayso kobac iyo horumar dhinaca ganacsiga ah, wuxuunna bogaadiyey dadka Soomaaliyeed ee hirgaliyey hal-abuurka kala duwan ee ka jira suuqyada ganacsiga.
Mudane Cabdsalan, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saari doonto horumarinta arrimaha adeegyada bulshada ee dhinacyada ganacsiga, dib-u-dhiska iyo garab istaagga ganacsada dalka.