Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay talaabadii Cabdi Xaashi

Oct 13 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraalkii uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee uu ku waayay xubinnimadkii Senator ee Aqalka Sare.

Saalax Jaamac ayaa sheegay in isagoo ay saaran tahay mas’uuliyad fulineed aanay u suuragelineyn kulan kasta oo uu yeelanayo Aqalka Sare, ayna xusid mudan tahay inuu ku maqan yahay sabab kasta oo maangal ah si waafaqsan Dastuurka JFS iyo xeer hoosaadka Aqalka Sare qodobkiisa 9aad faqradiisa 4aad. Sidaas darteed warqada uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

“Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi in aanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri mudane Saalax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More