Ra’iisul wasaare Xamae oo Danjire James Swan kala hadlay hawlgalka cusub ee AUSOM

Mar 11(Jowhar)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod ah, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geedi-socodka nabadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More