Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay halka uu marayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Oct 08 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu wali halkiisa ka sii socdo, iyadoo shalay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib markii ay guuldareysteen dadaaladii la doonayay in lagu qanciyo si shirka dib ugu soo laabto

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha in mudada uu xilka haayo golaha Wadatashiga Qaranka iney kulmeen 9 jeer, islamarkaana kulamadaasi ay ahayeen dhamaantood kuwa ahmiyad weyn u lahaa dowladnimada ayna kusoo dhamaadeen guulo la taaban kara

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay 2-dii bishaan October weli wuu socdaa. Madaxda shirka ka qeyb gashay waxay ku jiraan latashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, marka latashiyadaas dhammaadaanna waxa la soo saari doonaa go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More