Ra’iisul wasaare Xamae oo la kulmay wafdi sare oo ka socday Sucuudi Carabiya
Jan 15 (Jowhar)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, waxaa ayna ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.