Ra’iisul Wasaare Xamsa oo di ugu soo laabtay Muqdisho

Sep 13 (Jowhar) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Xamsa Cabdi Barre ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay wadahadaladii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Madaxweyne Laftagareen.

Dowlada Federalka iyo Maamulka Koofurgalbeed ayaa isku khilaafay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka soo horjeestey in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan dalka Soomaaliya,iyadoo ciidamada ugu badan Ethiopia ee jooga Soomaaliya ay ku sugan yihiin Koofurgalbeed Soomaaliya.

Intii uu booqashada ku joogay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray Terminalka Garoonka magaalada Baydhabo oo la keenay qalab casri ah.

Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More