Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo la kulmay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Sep 27 (Jowhar)Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kula kulmay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026.

Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More