Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru Dowle
Nov 04 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xilal ay baneeyeen Wasiiru dowlihii wasaarada qorsheynga,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku xigeenkii Wasaarada Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Mas’uuliyiintii hore xilalkan u hayay ayaa iska casilay Sababaha iscasilaadoodana waxay la xiriirtey khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland.