Ra’iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigay xarun saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah

Jan 06 ( Jowhar)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhigax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse  ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamse, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More